Madaxweynaha la doortay ee Somaliland iyo saadaasha dawlada uu soo dhisi doono

Madaxweynaha la doortay ee Somaliland iyo saadaasha dawlada uu soo dhisi doono

Hargeysa – Madaxweynaha la doortay ee Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu dhowaan soo dhisi doono dawladiisa. Madaxweynaha waxaa lagu wadaa in maalinta xilka loo dhaariyaba uu ku dhawaaqo dawladiisa. Sida ay myconews xogaha ku helayso madaxweynaha ayaa qorshaynaya inuu soo dhiso dawlad ka kooban ilaa shan iyo toban wasiir iyo afar hay’adood oo madax banaan inkasta oo la sheegayo in maalmihii ugu danbeeyey la taliyayaashiisu cadaadis ku saarayeen inuu tirada golihiisa wasiirada gaadhsiiyo 18 – 22 wasiir.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa daaha ka rogaya inaanu Madaxweynaha cusubi wareejin doonin jagada gudoomiyaha xisbiga Kulmiye. Wararku waxay intaa ku darayaan in hogaanka xisbigu ku heshiiyeen in duuduub hogaanka sare ee xisbigu ugu wareegaan hogaanka talada dalka gacanta ku haya. Umuurtan ayaa hadii ay sidaa u dhacdo soo af meeraysa heshiisyo hoose oo la sheegay inay hore isula qaateen talo qabeenka gobolada sida weyn looga taageero xisbiga Kulmiye.

Siday umuuruhu isu bedelaan iyo xogaha ugu danbeeyeyba kala soco myconews.com

 

Share This Post

Post Comment