Mareykanka oo duqeyn ku dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab

Mareykanka oo duqeyn ku dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab

Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa la sheegay duqeyn ay ka geysteen Khamiistii shalay gobolka  Baay ku dileen tiro ka timid ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

War ka soo baxay taliska Mareykanka ayaa lagu sheegay iney duqeymahaasi ka dhaceen goobo bartilmaameed ahaa, kuwaa oo lala eegtay Al-shabaab.

Warka ayaa intaa ku daraya in weerarkan uu ka dhacay meel 100 Mayl u jirta caasimada Muqdisho laakiin laguma sheegin tirada xoogagga weerarka lagu dilay iyo haddii ay ku jiraan saraakiil.

Al-shabaab ayaa ku eedeysan in ay ka danbeeyeen weeraradii 14 October ee sanadkan ka dhacay Zoobe oo lagu dilay ku dhawaad 400 oo ruux iyo weerarkii kale ee 29kii October ka dhacay hotelka Nasa-Hablood 2 ee magaaalada Muqdisho.

Mareykanka ayaa horay duqeymo noocan oo kale ah uga fuliyay qeybo ka mid ah gobollada Koonfur iyo Bartamaha Soomaliya kuwaa oo lagu bartilmaameedsaday saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Share This Post

Post Comment