Mid ka mida ergadii baarlamaanka Somaaliya soo dhisay oo la diley

Mid ka mida ergadii baarlamaanka Somaaliya soo dhisay oo la diley

koox hubeysan ayaa Xalay Magaalada Muqdisho ku toogatay mid ka mida Ergadii Magaalada Baydhabo ku  soo Dooratay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka.

Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Sarkuusta ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana dableyda ku hubeysnaa qoryo iyo bistoolado ay toogteen Nabadoonkaa oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Nuunoow Aadan.

Marxuumka oo watay gaari, isagoo ka ka tagay Muqdisho ayaa la sheegay inay dableyda ka xeysteen Gaarigiisii kadib markii ay dileen.

Kooxda weerarka geysatay ayaa ka baxsatay goobta iyadoo hore u watay Gaarigii uu lahaa marxuumka. Waxaa mar danbe goobta gaaray ciidamada ammaanka Dowladda Soomaaliya.

Muqdisho waxaa ka dhaca dilalka loo geeysanayo Ergadii wax ka soo dhistay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Xigasho: Puntland post

Share This Post

Post Comment