Taariikh koobaan oo ku saabsan taliyihii abaanduulka Daraawiisheed Axmed Warsame (Xaaji Suudi) – (1856 – 1920)

Taariikh koobaan oo ku saabsan taliyihii abaanduulka Daraawiisheed Axmed Warsame (Xaaji Suudi) – (1856 – 1920)

Axmed Warsame, oo ku magac dheeraa: (Xaaji Suudi), waxa uu muddo labaatan sannadood ahayd uu hayey, hoggaankii abbaanduulannimada, ee Daraawiisheed.

Axmed, waxa uu Daraawiishtii ka hor, uu ka soo shaqeeyey, dalka Suudaan, oo uu ciidamadii badda ee Ingiriiska, ee uu saldhigoodu ahaan jirey, dakadda Sawaakin, ee dalka Suudaan, ayuu turjumaan u ahaan jirey. Waa waqtigii Maxamed Al Mahdi, lala dagaallamayey.

Axmed, waa ninkii uu Ingiriisku ku sheegay, in uu xarakada Daraawiisheed, uu isagu ku soo kordhiyay, magaca Daraawiish, duubka iyo astaamaha Suudaantaba.

Waxa kale oo xusid mudan, intii aanay diyaaradahii Ingiriisku aanay qalcadaha Taleex aanay duqaynnin, inay horta dul mareen. Soo guud-markoodii hore iyo aragoodii hore, Daraawiishtu way garan waayeen, waxa cirka marayaa i, waxa uu yahay. Laakiin Sayid Maxamed Cabdille Xasan, oo isagu nin aqoon leh is-bidayey, ayaa Daraawiishtii ku yidhi: “Waa malaa’ig la innoo soo diray.”

Axmed Warsame (Xaaji Suudi), oo isagu aqoon-yahan ahaa, ayaa Sayid Maxamed Cabdalla Xasan ugu jawaabey: “Yaa sayidii, malaa’ig ma ahan e, waa diyaarado.”

Axmed Warsame (Xaaji Suudi), Alla ha u naxariista e, dagaalkii 1920kii qalcada Taleex illinkeeda ka dhacay, ayaa lagu diley.

Maxamed Sheekh Daahir

Share This Post

Post Comment