Arin Yaab-Leh Oo Laga Dhex Helay Heshiiskii Barcelona Kula Soo Wareegtay Ciyaartoyga Nelson Semedo

Arin Yaab-Leh Oo Laga Dhex Helay Heshiiskii Barcelona Kula Soo Wareegtay Ciyaartoyga Nelson Semedo

Hargaysa{Myconews}Kooxda Barcelona ayaa farxad wayn ka muujisay in ay Benfica kala soo wareegtay difaaca aadka loo qiimeeyo ee Nelson Semedo waxayna maamulka kooxda Balaugrana xidigan shalay u soo bandhigeen saxaafada isaga oo qalinka ku duugay heshiis waqti dheer ah, laakiin kooxda Benfica ayaa daabacday heshiiska ay Barcelona kaga iibisay difaacii kooxdeeda ee Nelson Semedo waxaana ka soo baxday arin layaableh.

Sidii aanu horeba idiinku soo gudbinay Barcelona ayaa heshiiska Nelson Semedo ka soo bixisay 30 milyan oo euros laakiin sida ay Benfica heshiiska xidigan ay ku cadaysay waxa uu qiimahani noqon karaa mid ugu dhawaan laba jibaarma iyada oo qodob laayableh ay Benifa heshiiskan ku darsatay isla markaana ay Barcelona ku soo qaadatay Nelson Semedo.

Qodobaka laga yaabay ee heshiiska Nelson Semedo ee ay Benfica daabacday laga dhex arkay ayaa ah in 50 kii kulan ee uu Nelson Semedo ciyaaraba ay Barcelona bixin doonto 5 milyan oo euros laakiin sidoo kale lacagtii la filayay in Barcelona ay xidigan ka soo bixisay ee ahayd 30 milyan ee euros ayaa intii hore ka badan sida lagu cadeeyay qoraalka Benfica.

Barcelona ayaa saxiixa Nenson Semedo ka soo bixisay 30.569.728  milyan euros waxayna sidoo kale Benfica xaqiijisay in 50 kii kulan ee rasmi ah ee uu Semedo Barcelona u ciyaaraba ay ka heli doonto lacag dhan 5,094,955 milyan euros waxayna lacagtani soconaysaa ilaa inta uu heshiiska Semedo uu hadda saxiixay jirayo ee aanu qandaraas cusub saxiixin.

Nenson Semedo ayaa Barcelona u saxiixay heshiis dahcaya 2022  taas oo la micno ah in kooxda Benfica ay wali lacagta Semedo Barcelona ka urursan doonto ilaa waqtiga uu heshiiskiisani jiro, waana qodob saxaafada iyo jamaahiirta Barcelona yaab ku noqday oo aan marii hore laga ogayn ilaa intii ay Benfica heshiiskan daabacaysay.

Share This Post

Post Comment