Kooxda Chelsea Oo Dalab 60 Euro Ah Ka Gudbisay Daafac Bidix Ee Alex Sandro Ee Juventus

Kooxda Chelsea Oo Dalab 60 Euro Ah Ka Gudbisay Daafac Bidix Ee Alex Sandro Ee Juventus

Hargaysa{Myconews}Juventus ayaa cagta dhulka ku heysa inkastoo Chelsea ay sarre u qaaday dalabkeeda daafaca Alex Sandro iyagoo ka dhigay 60 milyan yuro, sida ay ku qoreen wargeysyada Talyaaniga.

Tababare Antonio Conte ayaa si weyn u doonaya daafaca bidix ee reer Brazil kaasoo kaliya Bianconeri uga soo biiray kooxda FC Porto sannadii 2015 heshiis 26 milyan yuro ah.

Waxa uu dhaliyay seddex gool waxaana uu caawiye ka noqday todobo gool kale 43 kulan uu saftay xilli ciyaareedkii dhamaaday, laakiin waxa uu sidoo kale Patrice Evra ku qasbay inuu kooxda ka tago isagoo magac weyn ku sameystay Yurub.

Wargeyska La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in Chelsea ay dalab 50 milyan yuro ka gudbisay Alex Sandro, laakiin dalabkaas islamarkiiba waa la soo diiday.

Wargeyska Tuttosport ayaa si kastaba sheegaya in dalabkii ugu danbeeyay ee kooxda Stamford Bridge ka yimaado uu yahay 60 milyan yuro.

26 jirkaan qandaraas kula jira Juventus ilaa iyo bisha Juun 2020, waxaana kooxda ay dooneysaa inay mar kale u tartanto Champions League, iyagoo labo jeer gaaray finalka seddexdii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay

Share This Post

Post Comment