Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo munaasabad afur ah u sameeyay danjirayaasha Islaamka (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo munaasabad afur ah u sameeyay danjirayaasha Islaamka (Sawirro)

Muqdisho – habeenimadii xalay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Yusuf-Garaad Omar Ahmed ayaa munaasabad afur-siin Ramadaan ah u sameeyay Safiirrada wadamada Islaamka.

Munaasabadan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Abdullahi Hamud Mohamed, Danjiraha Ururka Islaamka u fadhiya Soomaaliya Ambassador Abdirazak Sancaani iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha Waaxyaha Carabta iyo habmaamuuska ee Wasaaradda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa ka hadlay fadliga ay leedahay bisha barakaysan ee Ramadaan, isaga oo sheegay inay tahay bil kheyr oo la xoojiyo cibaadada, samafalka, xushmadda u dhexeysa bani’aadamka iyo wax waliba oo ka shaqeynaya ka guul keenidda nabadda, deganaanshaha iyo horumarka.

Wasiirku waxa uu uga mahad-celiyay danjirayayaasha wadashaqeynta dhow ee ay la leeyihiin Wasaaraddiisa iyo guud ahaan dowladda.

Dhankooda, danjirayaasha ka qeybgalay munaasabadan ayaa waxa ay ka mahadceliyeen casuumaada iyo marti soorka loo fidiyay, waxa ayna bogaadiyeen howlaha wax ku oolka ah ee dowladdu ugu adeegeyso dalkeeda iyo dadkeeda.

Share This Post

Post Comment