14 Ka Kooxood Ee Ku Soo Baxay Europe League Oo Lagu Dhawaaqay Iyo Natiijada UEFA

14 Ka Kooxood Ee Ku Soo Baxay Europe League Oo Lagu Dhawaaqay Iyo Natiijada UEFA

Hargaysa{Myconews}Kooxo badan ayaa haddaba xaqiijistay in ay xili ciyaareedka cusub ee 2017/18 ay qayb ka noqon doonaan heerka groupyada tartanka UEFA Europa League waxayna UEFA soo saartay liiska kooxaha aan isreeb reebka soo galayn ee kaalinta ay horyaalkooda kaga soo dhamaysteen ugu soo baxay heerka groupyada UEFA Europa League.

Kooxaha Arsenal, Lazio, Lyon iyo Villarreal ayaa ka mid ah 14 ka kooxood ee haddaba xaqiijistay booskooda heerka groupyada Europa Leaque-ga waxaana si toos ah u soo baxa 16 kooxood halka kooxaha kale ay soo galaan isree reebyo dhawr ah oo ay ku soo kala baxaan.

Arsenal ayaa xili ciyaareedkan ka soo muuqan doonta Europa Leaque-ga kadib markii ay kaalinta shanaad kaga dhamaysatay Premier Leaque-ga laakiin waxay ka mid tahay kooxaha aan wax isreeb reeb ah soo gali doonin. Laakiin Manchester United oo kooxahan ka mid ahaan lahayd ayaa qayb ka noqotay 22 ka kooxood ee sida tooska ah ugu soo baxay Champions Leaque-ga kadib markii ay Europa Leaque-ga ku guulaysatay.

Kooxaha Sida Tooska Ah Ugu Soo Baxay Heerka Groupyada Europa Leaque-ga:

SPAIN: Villarreal, Real Sociedad

GERMANY: Köln, Hertha Berlin

ENGLAND: Arsenal

ITALY: Lazio, Atalanta

PORTUGAL: Guimarães

FRANCE: Lyon

RUSSIA: Lokomotiv Moskva

UKRAINE: Zorya Luhansk

BELGIUM: Zulte Waregem

HOLLAND: Vitesse

TURKEY: Konyaspor

SWITZERLAND: Jimcaha ayaa la go’aaminayaa kooxda soo bixi doonta

Waxaa jiri doona 22 kooxood oo kale oo isreeb reebyo u soo gali doona in ay soo gaadhaan heerka Groupyada Europa Leaque-ga waxaana jira kooxo aad u tiro badan oo xagaagan soo loolami doona waxaana heerka groupyada Europa Leaque-ga ku tartami doona 48 kooxood waana sababta uu uga dhibta badan yahay Champions Leaque-ga oo uu heerka Groupyadiisu ka kooban yahay 32 kooxood.

Share This Post

Post Comment